Connect with us

Hindi

Cadeyn Cusub: Sidee Salman Khan , Kareena , Alia Iyo Johar Ay Ugu Lug Yeesheen Dhimashadii Shushant Sing Rajput

Published

on

Dooddii ka dhalatay is dilkii aktarkii reer India ee Shushant Sing Rajput ayaa weli ka taagan wadankaas , waxaana mar waliba soo baxaya oo soo dusaya xoga lala xariirin karo sababta ka dambeysay in uu is dillo .

Waxa ay taageerayaashiisa qaadeen olole lagu qaadacayo aktaro dhowr ah oo lagu eedeynayo in si uun ay uga dambeeyeen dhimashadii Shushant iyadoo lagala laabtay taageeradii baraha bulshada halka ay jiraan hajabaad dil ah .

Salman Khan, Karan Johar , Ekta Kaboor, Alia Bhat , Sonam kapoor iyo Kareena Kapoor ayaa ugu horeeya eedda ah in sababta ugu weyn ee is dilka Shushant ka dambeeyaan iyadoo lagu eedeeyay in waddo waliba ay u mareen in da`yarkaas mustaqbalka ifaya lahaa laag hor istaagay in uu cagta la soo galo dunida Bolloywoodka

Barnaamij waliba oo uu isku muujin lahaa sida barnaamijka Coffee With Karan ( La shaaheey Karan)ayaa loo diiday in lagu casuumo

Halkaas waxaa ka bilaabatay niyad , isla hadal iyo murago ku dhacday Shushant oo caan ku ahaa musalsalada taasi oo ay sii dheereyd fashil badan oo dhanka guurka ah oo haleelay .

Haatan , Ololaha socda waxa uu keenay in filimaanta Salman Khan laga mamnuuco magaalada Bihar oo ah halka uu ku dhashay aktarka dunida macsalaameeyay sidoo kale goob ganacsi uu Salman Khan ku lahee deegaankaas ayaa la xiray

Karan Johar waxaa la helay cadeeymo ah in uu diiday in Shushant uu ku casuumo barnaamijkiisa caanka ah oo halka aktarada da`da yar isku soo muujiyaan ahna albaabka Bollywoodka laga soo galo

Haatan, Koran Johar waxa uu marayaa ciqaabta tuhunkaas , waa la joojiyay tabinta barnaamijkaas Coffee With Karan , shirkado kula jiray hishiisyo waa ay ka baxeen halka lagala laabtay abaal marinno horay loo gudoonsiiyay

Sheekadda intaas kuma joogsaneyso Alia Bahat oo ay sanadkaan iyo kan xiga u yaalaan howlo adag iyadoo soo wadday filmo cusub balse haatan arintaas waxa ay u muuqataa mid aan suura gal aheyn .

Shirakadda maal gilineysa filimkeeda RRR waxaa la xaqiijiyay in laga eriyay oo booskeeda aktarada kale loo raadsaday waxaana u sabab ah cabsi laga qabo in uusan helin daawasho wacan kuna qasaaro suuqa filimada Bollywoodka ,

Alia Bahat waxaa lagu haystaa in Karan Johar uu barnaamijkiisa ku weydiiyay sida ay u aragto aayaha Shushant balse waxa ay bixisay jawaab niyad jab ah iyadoo sheegtay in aysan aqoon aktarkaas taasi oo taageerayaasha Shushant ku tilmaameen been la soo dhoodhabay oo looga gon lahaa in la niyad jibiyo aktarkaas .

Alia Bhat waxaa loogu abaal mariyay in ay weyso malaayiin taageero ah oo kala socday baraheeda bulshada kuwaasi oo la laabtay taageerada waxaan arintaas la qaba dhamaan aktarada lagu eedeeyay in ay mas`uul ka ahaayeen in uu is dilo Shushant .

Xilli Shushant uu ka sheegtay fashil guur marka la eego dhowr aktar oo uu la sameeyay xariir jaceyl loona aaneynayo in dhacdooyinkaas uu ka qaaday niyad iyo murugo keentay in uu is dilo , waxaa haatan la helay muuqaal Kareena Kapoor kula talineysay Sara Ali Khan in ay ka fiirsato guurka Shushant oo ay saaxibo ahaayeen waxana taasi ka daran in la helay muuqaal kale ay ku sheegeyso in aysan ka helin shaqsiyadda banaanka ee Shushant Sing Rajput

Dhamaan shirkadaha ay hishiisyada kula jirtay Kareena dib ayay u gurteen waxa ayna u badaan tahay in ay ka baxaan iyaga oo ka cabsi qaba in suuq ay u waayan filimada ay soo waddo waxaana arintaas oo kale iyana wahaheysa Sonam kapoor .

 

Copyright © 2020 Arimaha Bulshada