Qilaafaadka badan ee labada lamaane ayaa ugu dambeyntii noqda mid faraha iyo xakameynta ka baxa , waxa ayna qubarada arimaha qoyska ee Arimahabulshada.com tilmaamayaan in ay jiraan arimo sabab u ah arimahaan oo ay haboon tahay in labada lamaane ka fogaadaan.
Waxa ay intaa ku darayaan qubarada in arinta ugu daran ee bur burka qoyska keenta in ay tahay iyadoo aysan jirin isa saamaxaadda labada lamaane .
In wax yaabaha ay kala filanayaan labada lamaane ay yihiin kuwo laga bad badiyay( Is Laheysiin) tusaale in ninka lamaantiisa u arko in ay u tahay hooyadiis oo kale ama walaashiis , waxaana hubaal ah in iyadana aysan awoodin in taasi hal dufco ay ku siiso , sidoo kale bil caksi gabarta waxa ay iska dhaadhicineysaa in ninku u yahay aabe , aboowe taasina isna in hal dufco uu ugu sameeyo ma awoodo .
Qubarada Arimahabulshada.com waxa ay intaa ku darayaan in iyana ay haboon tahay in labada lamaane marka ay arin ka doodayaan in aysan is weydaarsadaan codad dhaahdeer oo ay qaylo ku jirto taasi oo ugu dambeyntii gaari karto in midkood uu mid kale yaso (Ihaano)
Sidoo kale fara galinta mar waliba ka timaaada labada qoys ee ay ka soo jeedaan midkood waxa ay arinta ka dhigeysaa cows dab la qabadsiyay .
In Gabartu ninka ay qoorta u surto wax ka weyn awooddiisa oo ku aadan dhanka dhaqaalaha , sidoo kale in labada lamaane isku qilaafaan qaabka tarbiyeenta caruurta iyana bur burka qoyska ayay keeneysaa.