Waa talooyin muhiim oo ku socota gabar waliba si ay u farxad giliso lamaanaheeda nolosha, waxaadna ogataa gabaryaheey in haddii arimahaan aad u sameeyso qalbiga ayuu ka qoslayaaa ninkaada .
1- U Muuji jaceylka aad u qabto una xaqiiji sida in aad telka kula xariirto marka uu ka soo daaho soo laabshada guriga xitaa hadaad careysan tahay .
2- Diyaarinta cunnada uu jecel yahay xiligeeda hana sugin in uu ka dalbado.
3-Xabad gili isla markaana dhunko marka uu guriga ka baxayo iyo marka uu soo galayo .
4- Kaga hortag adiga oo xiran labiskaada kan ugu qurxoon hana iloobin dhoola cadeynta sixirka .
5- Mar waliba wanaag uun ka fillo , kuna kalsoonaaw.
6- Ehelkiisa wax wanagsan mooyee waxa kale haka sheegin ,hana iloobin mar waliba oo aad hooyadiisa booqaneyso in aad hadiyad u sii qaado.
7- Uga dhig gurigaada beer uu ku nasto , qurxi oo marba habeynta guriga nooc ka dhig , walxaha udgoonna kan ugu fiican ku carfi guriga .
8- Daryeel oo ihtimaam aad u sareeya sii martidiisa , hab ka bad badinna ah u casuun .
9- U Dhoola cadeey mar waliba oo u sameey nooc indhihiisa ay ku milicsadaan.
10- Maqalsii erayada kuwo uga macaan iyo eray bixinta tan ugu fiican sida indhaheygiyoow, qalbi .
11- Aad u daryeel naafada caruurtiisa
12- waligaa iska ilaali in codkaada ka sara maro kiisa xittaa hadaad kaftameysid .
13- Marka uu xaafada joogo waligaa hakaga mashquulin ku hadalka taleenka , daawashada Tv-ga ama aqrinta joornaalka .
14-Haddii aad joogtaan guriga qoyskiisa ama kaaga ugu yeer Xasan Aabihiisoow ama maxamed aabihisoow adiga oo u muujinaya qadarin.
16- Hadii uu safar aadayo ha iloowin in aad waraaq u qorto oo aad ugu muujineyso sida aad ugu xiiseyso, dharkiisana qaarkood ugu sii carfi catarada uu jecel yahay
17-Haddii aad ka xanaaqdo oo uu kaaga cudur daarto duraba ka qaado oo dhunko , haddii uusan kuu cudur daarinin adiga bilaaw haka sugin .