Connect with us

Fariin Jaceyl

Farriin Macsalaameyn Ah : Waan Ka Baxay Noloshaada Dhawaacyada Iyo Cadaadis Badan

Published

on

Weligey ma dareemin jaceyl,ilaa adiga aan ku arko maahee hadana ma dareemin murugo xaqiiq ah ilaa aad iga tagtay maahee.

Kala tagu waa qarowga ugu xun,kadib markii ay isoo martay riyadii ugu macaaneyd ee nolosheyda.

Ma ogolaan karo inaan kuu soo laabto,kadib markii aad i qayaantay aniga.Weligey kama shakin daacadnimadaada xitaa daqiiqado yar,waxaa la ii sheegay inaad daneyste tahay oo aad keliya naftaada ka fekerto,laakin aniga taas ma qaadan.

Sidee iigu sheegeysaa in aad aniga ii nooshahay mar hadiiba aad naftaada keliya in aad qanciso hamigaaga nolosha uu yahay?

Waan ku arkay adigoo i qaayamay,laakin waxaad ku adkeysaneysaa in aadan qalad iga gelin, sidee loo kasbadaa daacadnimo mar hadii aan indhaheyga ku saaray?

Markii aan is iri waad wada dhisi kartiin nolol aayotiin wacan leh oo qalbigeyga aan gacanta kaa saaray waxaad na dhex dhigtay masafooyin .

Qalbigeyga wuxuu la taahanayaa xanuunadii aad u geysatay,adigoon aanan ka fekerin cawaaqibka ka dhalan kara dibindaabyadaada.

Aniga waan ka baxay noloshaada dhaawacyada iyo cadaadiska badneyd ,mana i arki doontid waqti kale.

Copyright © 2020 Arimaha Bulshada