Qubarada arimaha qoyska ee Arimahabulshada.com ayaa warbixintaan ku soo koobaya dhowr arimood oo gabaryaheey kaa fogeyn kara ragga kana yeelaya kuwo ka cararaya.
1- Midda Codsiga Badan : waan ka xumahay , ninka kuu imaanaya xilliga aad doonto , una dhaqmaya sida aad filaneyso in uu u dhaqmo ,Ninka noocaas xilligaan ma jiro laga yaabaa in duni kale uu ku nool yahay , dalabyadaada ha ahaadaan kuwo ku saleysan caqli iyo waqti .
2- Waa Ay Adag Tahay In La Qanciyo : ninka hantida leh , fur furan qosol abuurka ah , wax fahmaya , deggan , Romansi ah , wanaagsan , noocii riyada ah , caqliga badan , nin noocaas lama helo ee haku qaldamin filimaanta
3- Midda Cadowtooyada Badan : waa mid leh tilmaamo xun oo ma laha dareen naxariis ah waana midda dadka dhan ku qasbeysa in ay ka cararaan kaliya ragga ma aha , ee noqo noole jilicsan naxriis leh
4- Midda Leh Xishoodka Ka Bad-badiska ah : haka bad badin xishoodka , haka cararin in aad la hadasho oo ha aamusnaan marka aad wada kulantaan .
5-Midda Jecel In Ay Waxa U Maamusho Qaab La Hayste Ah : haddii ra`yigaaga aad ku qasabto asxaabtaada gabdhaha ah ayna u nugul yihiin in ay aqbalaan Arimahabulshada.com waxa ay ku leedahay ha filan in aad hesho nin taasi kuu saamaxaya