Connect with us

Ragga

Haddii Aad Arimahaan U Sameyso Gacalisadaada Wallee Indho Aan Adiga Aheyn Ma Yeelaneyso Q1-aad

Published

on

Rag badan ayaa gees marsan in lamaanayaashooda u muujiyaan falal Romantic ah qaarkood maba garanaayan halka qaar kalana iska ilaawsan yihiin , hadaba shabakada arimaha qosyka ee Arimahabulshada.com ayaa ku siineysa habab Romantic oo ah haweenka jecel yihiin .

1-Dareensii In Mar waliba Ay Tahay Xeendaabka Noloshaada kaagana muhiimsan tahay shaqada iyo dhamaan asxaabtaada .

2- Ka Dhig Baqaarka Aad Sirtaada Ku Xareyso ,u sheeg rajooyinkaada mustaqbalka aad leedahay dhanka shaqada iyo noloshaba , ka dhig in ay kaala qeyb qaadato riyooyinkaada iyo rajooyinkada mustaqbalka

3- U Raac Goobaha Laga Adeegto : waxaa baaritaan shabakada arimaha qoyska Arimahabulshada.com sameeysay lagu ogaaday in haweenka ay aad uga helaan arintaas, waa la dareemi karaa in aadan heli karin inta badan waqti inta ay dukaameysiga ku jirto kula socoto balse u dareen in ay tahay naf huris ee u samee .

4- Ha Iloobin Munaasabadaha , sida taariikhda guurkiina , dhalashada caruurta , ogoow in aad iloowdid xilliga guurkiina waxa ay haweenka ula mid tahay yasid dhanka jaceylka ah iyo in aadan qadarineyn ee ninyahoow munasabadaha xasuusta idin leh xasuusnaaw

Amaan : ha iloowin in aad u sheegto in ay ugu qurux badan tahay waxii haween aad aragtay waa ay ku rumeeysaneysaa markaas in ay hadalka liqdo ayay xishood la dhaceysaa ee wax waliba oo ay ku sameysana ugu mahad celi .

La Soco Qeybta Labaad Goor Dhaw Insha Allaah 

Copyright © 2020 Arimaha Bulshada