Connect with us

Arimaha Galmada

Maxaad Ka Og Tahay Cunooyin Halis Galiya Rabitaanka Galmada ?

Published

on

Waxaan maqlnaa mar waliba in ay jiraan cunooyin xoojiya oo sara u qaada rabitaanka kulanla sariirta ee labada lamaane balse weli ma maqashay in ay jiraan cunooyin hoos u dhiga oo yareeya rabitaankaas ? hadaba Arimahabulshada.com ayaa warbixintaan ku eegeysa cunooyinkaas halis giliya kulanka sariirta.

1- Digirta Beebeesheeda : in la badsado cunista digirtaan waxa ay yareeneysaa heerka hormone-ka Testosterone sidoo kale iyo rabitaanka kulanka sariirta .

2- Qaxwada : cabista in ka badan laba koob oo qaxwa ah maalintii iyana waa ay yareeysaa.

3- Dufanka Aan Lagu Dhargin : arintaan ragga ayay u gaar tahay oo cunista hilibka la shiilay ee duban oo la badsado iyo cunooyinka warshadeysan iyana waxa ay yareeyaan shahwada

4-Sokorta: Sara u kaca heerka sokorta iyo hoos u dhaca dhiigga waxaa uu hoos u dhigaa heerka rabitaanka kulanka sariirta .

5-Hilibka Gaduudan : tani waxa ay keeneysaa in hormone-da aysan isu dheeli tirnaan taasi oo ugu dambeyn saameyn ku yeelaneysa heerka wax qabad ee kulanka saiirta .

Copyright © 2020 Arimaha Bulshada