Connect with us

Hindi

Sababta Xariirkii Jaceyl Aishwarya Ee Vivek, Dagaalkii Salman Khan Iyo Guurkii Abhishek Iyo Xogo Kale

Published

on

Ma ahan wax qarsoon in atiirashada Aishwarya Rai uu xariir jaceyl kala dhaxeeyay Salman Khan balse xariirkaas ma noqon mid guuleysta waxa ayna taasi badalkeeda go`aansatay oo ay guurstay Abhishek Bachchan

Maxay Tahay sababta dhabta ah ee ka dambeeysay guurkaas , hadaba inta aynu gudaha u galin faa-faahinta sheekadaan waxaan ka codsaneynaa in aad Caashaqa Films Tube Subscribe saarto muuqalkana aad siii gubiso adiga oo calaamadda ka helitaankana saaraya.

Wiilka uu dhalay Amitabh Bachchan ee Somalida u taqaan Cali Dheere ee Abhishek Bachchan waxa uu yiri ka dib guurka Aishwarya Rai ” waxaan guursaday haweeneyda ugu qurxoon dunida ,waligeey hal maalin ma aan kufsan balse taasi badalkeeda waxaan u muujiyay erayo jaceyl oo kalgaceyl leh illaa aan qalbigeeda degay oo ay ogalaatay guurkeyga ”

Xariirka saaxibtinimo ee Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai waxa uu biloowday sanadkii 2000 gaar ahaan markii ay wada jileen filimkii ahaa Dhaai Akshar Prem Ke

Ogoow, waqtigaas , waxaa Abhishek Bachchan ku xerneyd Karisma Kapoor halka Aishwarya Rai iyana xariir jaceyl la laheyd Salman Khan balse dhowr sabab dartood Abhishek Bachchan iyo Karisma Kapoor waa ay kala tageen halka Salman Khan iyo Aishwarya Rai iyana is macsalaamyeen ka dib markii xariirkoodii jaceyl uu isu rogay dagaal .

Halkaas , waxaa ka biloowday eedeymo ay Aishwarya Rai u jeedisay Salman Khan oo ay ku sheegtay in uu yahay nin balwadda ay dillootay oo uu ku waalan yahay cabista qamriga taasi oo ay sii dheer tahay in uu ku sameeyay qiyaano qoyseed waliba uu hoos kala saaxibay aktariishooyin kale

Ka dib , Aishwarya Rai waxa ay xariir jaceyl oo cusub la yeelatay Vivek Oberoi oo xiligaas ku jiray biloowga aayihiisii Bollywoodka , balse xariirkaas ma sii socon waqti dheer , waxaana lagu xantay oo la yiri indho-deeraleydaas kaliya Vivek Oberoi waxa ay u adeegsatay in uu gaashaan u noqdo oo uu ka difaaco Salman Khan waliba uu aktarakaas kale wajaho iyadoo uu wakiil ka yahay Aishwarya Rai waa uu sameeyay hadal kulul ayuuna marar badan ku weeraray.

Xasuusta Ku Haay , dhacadaas waxa ay Vivek ku riday god dheer , waxaa dhamaan hawada lagu laalay hishiisyo uu filim soo saarayaal kula jiray iyo aktaro kale oo waa weyn , ka dib Vivek waxa uu Salmaan ku eedeeyay in uu sabab u yahay bur-burka ku dhacay

Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai mar kale waxa ay ku kulmeen filim labaad kaasi oo ahaa Bunty Aur Babli xilligaas oo ay Aishwarya Rai ku soo bandhigtay heesta caanka ahaa Kajraare iyadoo ciyaarta heestaas ay keentay in badan ay isa sii bartaan

Balse aabahaa Abhishek Bachchan ee Cali dheere waxa uu waqtigaas doonayay in wiilkiisa uu guursado Rani Mukerji balse waa uu diiday waxa uuna guur ka dalbaday qalanjaadas dheer ee Aishwarya Rai

Aishwarya Rai Kama laba labeyn guurkaas waa ayna ogalaatay sanadkii 2007-dii waxa ayna Abhishek Bachchan u haysaa gabar loogu magac daray Araadiya

 

Copyright © 2020 Arimaha Bulshada