Connect with us

Dhacdooyinka Maanta

Sideed Ku Ogaan Kartaa Dawooyinka La Isku Cadeeyo Ee Halista U Ah Caafimaadka?

Published

on

Kareemada la isku cadeeyo waxa ay noqon karaa kuma u sumeysan sida rinjiga guryaha la marsado, waana in laga fogaado gabi ahaantoodaba, waxaa sidaasi diginiin ku bixiyay ururka dowladaha hoose ee UK oo magaciisa loo soo gaabiyo LGA.

Kareemada ayaa u dhaqma sida rinjiga guryaha iyo alaabaha la mariyo, waxaana ay sarre u qaadaan halista cudurka kansarka, sida ay sheegtay LGA oo wakiil ka ah golaha deegaanka ee England iyo Wales.

Inta badan kareemada iyo dawooyinka la isku cadeeyo ayaa laga mamnuucay UK sababo la xiriira dhibaatada ay u geysan karaan caafimaadka qofka, laakiin dawooyin la isku cadeeyo oo ay dowlada qabatay dhawaan ayaa cadeynaya in ka ganacsigooda uu sarre u sii kacayo sida war saxaafadeed ku sheegtay LGA.

Iska Ilaali Dawooyinka Ay Ku Jiraan Maadooyinkaan

Inta badan dawooyinka la isku cadeeyo waxaa ku jira maado la mamnuucay oo la yiraahdo hydroquinon oo u dhiganta rinjiga guryaha la marsado sida ay sheegtay LGA. Maadadaas ayaa sababta in lakabka kore ee maqaarka uu fiiqmo, waxa ay sarre u qaadaa halista cudurka kansarka, waxaana ay sababi kartaa dhibaato soo gaarta beerka iyo kelyaha.

Maadada Mercury oo iyadana ah mid la mamnuucay waxa ay sababi kartaa in jirka ay ka yareyso iska difaacida bakteeriyada, caabuqa fangaska, beerka oo waxyeelo ay soo gaarto, walwal iyo cudurada maskaxda sida ay sheegtay hay’ada caafimaadka Adduunka ee WHO.

“Kareemada maqaarka waxaa ku jira maadooyin la mamnuucay oo aad u halis badan, waxa ay si dhab ah u dhaawaci karaan caafimaadka, waxa ay xitaa sababi karaan dhimasho, sidaasi darteed waa inaad ka fogaato wax walba oo ay kugu qaadato” ayuu yiri madaxa golaha deegaanka Blackpool Simon Blackburn.

UK Waa La Isku Xirayaa Iibinta Dawooyinka Qaar

Dawooyinka la isku cadeeyo ee ka sameysay waxyaabaha dabiiciga ah ama ay ku jiraan maadooyin aan dhibaato u geysaneynin jirka bani’aadamka ayaa sharci ahaan la ogol yahay, laakiin intooda badan waa kuwa aad qaali ah, waana sababta keentay in dadku ay iibsadaan kuwa jaban oo waxyeelo u geysan karta caafimaadkooda.

Shirkadaha lagu qabto inay iibiyaan daawooyinka la isku cadeeyo ee la mamnuucay ee UK dhexdeeda waxaa lagu ganaaxayaa 24.500 doolar waxaana ay xabsi galayaan madaxdooda muddo sannad ah.

Bishii May boqolaal dawooyin oo ay ku jirto maadada la mamnuucay ee hydroquinon ayaa laga soo uruuriyay dukaamo ku yaala banaanka magaalda London.

Dadka iska leh dukaamada lagu iibinayay waxaa lagu ganaaxay 8 kun doolar, waxaana lagu armay inay 9,800 doolar siiyaan dowlada hoose.

Bishii Agoosto dukaanle deganaa Koonfurta London waxaa lagu xukumay xabsi 20 bilood ah ka dib markii lagu  qabtay inuu iibinayay kareemo ay ku jirtay maadada hydroquinon oo uu ku dhejiyay qoraal been abuur ah.

Ka Ganacsiga Kareemada La Isku Cadeeyo

Guud ahaan caalamka, waxaa sarre u sii kacaya ka ganacsiga dawooyinka la isku cadeeyo, waxaa la sii saadaaliyay in ka ganacsiga dawooyinkaan in sannadka 2024 uu gaari doono 3.12 bilyan doolar gaar ahaa Aasiya, Bariga Dhexe iyo Afrika.

Wadamada Aasiyada Fog aaa ah meesha uu ganacsiga ugu badan ka jiro, waxaana lacagta ugu badan ee laga helo ka ganacsiga dawooyinkaan ay Aasiyada Fog qaataan kala bar, waxaa lagu qiyaasay in ganasigooda uu gaarayo 7.5 bilyan doolar halka guud ahaan dunida uu yahay 13.3 bilyan doolar sida lagu sheegay baaris ay sameysay Future Market Insights sannadii 2017.

Dawooyinkaan waxa ay inta badan caan ka yihiin wadamada maqaarka cad looga arko qurux. Dalka Mali waxaa isticmaala boqolkiiba 25, Nigeria boqolkiiba 77 halka boqolkiiba 40 ay ka tahay Shiinaha, Malaysia, Filipiin iyo South Korea sida ay sheegtay WHO. Daraasad la sameeyay sannadkii 2017 waxaa lagu ogaaday in kala bar dadka India inay iyagana isku dayeen kareemada la isku cadeeyo.

Soomaalida Iyo Dawooyinka La Isku Cadeeyo

Ma jirto baaris dhab ah oo laga sameeyay sida dadka Soomaaliyda ay u isticmaalaan dawooyinka la isku cadeeyo, laakiin Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka sida aadka ah looga isticmaalo kareemada la isku cadeeyo.

Ma jiraan hay’ada iska xilsaara inay baaraan maadooyinka ku jira kareemooyinka laga keeno dalka dibediisa oo ay inta badan dumarka Soomaaliyeed iibsadaan.

Hadaba si aad caafimaadkaaga uga taxadarto iska ilaali inaad isticmaasho dawooyinka la isku cadeeyo oo ay ku jiraan maadooyinka la mamnuucay sida Mercury iyo hydroquinon.

Ha iibsanin kareem aan ku cadeynin maadooyinka laga sameeyay, haddii aad iibsaneyso kareemo maqaarka ah dooro inta badan kuwa laga sameeyay waxyaabo dabiici ah oo aan dhibaato caafimaadka ku keeneynin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © 2020 Arimaha Bulshada