Dabeecado ay gabdho badan leeyihiin ayaa si weyn ragga
uga careysiiya xilli haweenka aysan dhab ahaan ka war hayn
,hadaba wax ka baro Dabeecadahaas.
Midda Carabka Dheer : waa midda carabkeeda ka dhigta hub ay
ku weerarto ragga subax iyo galab , haddii arin yar oo ay xaq u
laheyd ninka uu ka gaabiyo roob kaga dhigta aflagaado
Midda Ganuunaca Badan : wax ay ka mahad celineyso ma jirto ,
nolosheeda dhan dacwad iyo eed ayay ku dhameysataa ,
wanaag waliba oo uu ninka u qabtana waxa ay ka dhigtaa hal
bacaad lagu lisay .
Midda Areebada Ah : ma daryeesho gurigeeda , ninkana kama
helo guriga wax uu ku il doogsado , mar waliba dhar wasaq iyo
timo waqooyi iyo koonfur u kala jeeda ayay kaaga hor imaaneysaa
Midda Hadalka Badan sidoo kale midda bakhiiladda ah ragga ma
jecla oo ninka aan siineyn caadifadda jaceylka waxaa badan wax
keenteeda waxaana yar bixinteeda .
Sidoo kale midda leh maseerka ka bad badiska ah iyo sida ragii
u dhaqanta ragga kumanaan mitir ayay ka sii fogaadaan ee
gabaryaheey taxadar yeelo