Connect with us

Dhacdooyinka Maanta

Waalidiin Muslimiin Ah Oo Indhahooda U Bixinaya Wiil Ay Dhaleen Si Uu Wax U Arko

Published

on

MALAYSIA – Lamaane ayaa qorsheynaya inay min hal ugu yaboohaan wiilkooda oo 17 sanno jir ah si uu wax u arko, sida ay sheegtay jariirada Harian Metro.

Dhakhaatiirta ayaa u sheegtay Yus Nurlina Mohd Yusuf oo 25 sanno jir ah iyo Khairul Syafiq Azm oo 27 sanno jir in isha bidix ee wiilkooda aysan shaqeyneynin halka ishiisa midig ay tahay mid caweer ah.

“Aniga iyo ninkeyga waxba uma aragno inaan hal il beelno si wiilkeena uu u yeesho mustaqbal ifaaya” ayay tiri Yus.

Waxay sheegtay in waqti xaadirkaan uu wiilkooda qabo dhibaatooyin kale oo caafimaad iyagoo isbuuc walba dawooyin u geeya seddex cusbitaal oo kala duwan.

“Waxa uu cusbitaalka Tuanku Jaafar Hospital u aadaa daweynta indhaha, Malacca Hospital waxaa looga daweeyaa cudurka qalalka halka Kuala Lumpuer Hospital looga daweeyo dhibaato dhanka koriinshaha uu qabo” ayay shaxaraad ku bixisay.

Yus ayaa sheegtay in nin aysan garaneynin uu ku sadaqeystay qoyskeeda RM8,000 oo u dhiganta ku dhawaad 1900 doolar si ay ugu iibsadaan gaari la soo isticmaalay oo ay ku qaadaan wiilkooda.

Ka hor inta aysan helin gaariga la isticmaalay waxay wiilkooda ku qaadi jireen bas marka uu balan ka leeyahay cusbitaalada.

Dhibaatada caafimaad ee wiilkaan yar ayaa bilaabatay markii caabuq laga helay sanbabadiisa isagoo 25 maalmood kaliya dhalan.

Copyright © 2020 Arimaha Bulshada